Qaramada midoobay oo Afrika ku ammaantay martigelinta qaxootiga

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guterres ayaa madaxda qaaradda Afrika ku ammaanay sida ay u martigeliyaan qaxootiga badan ee ka soo carara dagaalada iyo dhibaatooyinka kale.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Afrika ay soo dhaweysay qaxooti badan oo cawimaad u baahan.
Madaxda ka qeyb galeysa shirka 32-aad ee golaha midowga Afrika uu ku yeelanayo Addis Ababa ayuu u sheegay in dalalka reer galbeedka ay wax badan ka baran doonaan sida dalalka Afrika ay usoo dhaweeyaan malaayin qaxooti ah.
Waxaa uu furitaanka shirka ka sheegay in dalalka Afrika ay xudduudahooda u fureen malaayin qaxooti ah inkasta oo aysan heysan kheyraad ku filan.
Afrika ayaa martigelisay in ka badan afar meelood qaxootiga ku nool caalamka iyo ugu yaraan 20 milyan oo qof oo soo barakacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *