Sacuudi Carabiya oo diiday in qaramada midoobay ay baarto dilkii Jamal Khashoggi

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cadel Al-Jubeir ayaa gaashaanka u daruuray in qaramada midoobay ay baaritaano ku sameyso dilkii 2-dii bishii tobnaad ee sannadkii hore loo geystay wariye Jamal Khashoggi.
Suxufigan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Sacuudiga balse si weyn u dhaliili jiray hoggaanka ugu sarreeya ayaa lagu dilay qunsuliyadda boqortooyada ay ku leedahay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Mr. Al-Jubeir ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aynan u baahnayn baaritaano caalami ah ama jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay ku sameyso dilkii Khashoggi.
Waxaa uu ku doodaya inay xukuumada Riyaadh leedahay hannaan dhanka sharciga oo adag sidaasi awgeedna ay la tacaali karto dhibaatada dhacday.
Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa baaritaano uu sameeyay ku soo gabagabeeyay in amarkii lagu dilay wariyaha uu bixiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamad Bin Salmaan in kastoo maamulka talada haya uu arrinkaasi beeniyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *