Siyaasiyiinta Isiolo oo ka carooday warbixin la xariirta xagjirnimada oo ay ku tilmaameen bartilmaameedsi

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga soo doortay degaanada ismaamulka Isiolo iyo saraakiisha ammaanka ayaa walaac ka muujiyay warbixin laga baahiyay mid ka mid ah talefishinada dalka.
Waxay sheegeen in warbixinta ay tahay mid dhaawacaysa sumcadda maamul goboleedkaasi maadama lala xariiriyay xagjirnimada.
Mas’uuliyiintan ayaa kala ah barasaab ku xigeenka Isiolo Cabdi Cisse, senetarka ismaamulkaasi Fatuma Dullo, xildhibaanka waqooyiga Isiolo Xassan Oda, wakiilka haweenka Rehema Jaldesa iyo John Ondego oo ah guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan.
Waxay intaasi ku dareen in xagjirnimada iyo la dagaalanka argagixisada ay tahay dhibaato qaran oo aanan loo baahnayn in ismaamul gaar ah la farfiiqo ama la bartilmaameedsado maadama ay saameyn ku yeelan karto maalgashiga iyo dalxiiska.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xubnaha golaha imaamyada iyo ducaadda muslimiinta ee ICPK laantiisa Isiolo ay sheegeen inaan halkaasi laga fulin barnaamijyo wax u dhimaya amniga dalka

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *