Suudaan iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha xuduuda

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa manta ka wada hadlay qorsho ay ku doonayaan inay soo dhisaan ciidan ay ku mideysanyihiin oo ilaalinaya xuduudda ay labada wadan wadagaan.
Waxay isku arkeen shirka 32-aad ee golaha midowga Afrika uu ku yeelanayo magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Suudaan ayaa lagu sheegay in labadan mas’uul ay xoogga saareen muhimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee wadamadooda ka dhexeya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *