Wasiirka Amniga maamulka Hirshabeele oo cabasho u diray xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Wasiirka amiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeele C/qaadir Aadan Jeelle ayaa Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u gudbiyo Cabasho dhanka amaanka ee deegaanada maamulka Hirshabeele uu maamulo.
Wasiirka ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi oo ay ka baxayaan ciidamada AMISOM ay soo wajihi karto Caqabad dhanka amaanka ah wuxuuna Tilmaamay in loo baahan yahay sidii fiiro gaar ah loogu yeelan lahaa xaalada Amaan ee deegaanada Hirshabeele kadib marka ay ka baxaan Ciidamada Midowga Africa.
Wasiirka amniga Hirshabeele C/qaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan hada u diyaarsanayn hanashada guud ahaan amniga sidaas Darteedna loo baahan yahay qorsha kale sida u tilmamaay.
Wasiirka ayaa sheegay in meelaha la qorshaynayo inay isagabaxaan ciidamada AMISOM amaankoodana laga walaacsan yahay ay ka mid yihiin Raage Ceelle,Cadale iyo deegaanka Xaaji Cali oo dhamaantood Hoose yimaada Gobolka shabeelada dhexe.

Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaan Doorashadoodu Tahay Hirshabeele ayaa sheegay inay Cabashada wasiirku soo gaartay sidaas awgeedna ay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya u gudbinayaan cabashada dhanka amaanka ah ee ka soo yeedhay deegaanada maamulka hirshabeele.
Sanatarada ayaa tilmaamay inay ku dadaalayaan sidii wax looga badali lahaa go’aanka Ciidamada Midowga Africa ay deegaanadaas uga baxayaan iyagoo Farta ku fiiqay inaan la gaarin xiligii munaasibka ahaa ee ay Ciidanka AMISOM Soomaaliya isaga bixi lahaayeen ciidamada dowalada Soomaaliyana la wareegi lahaayeen Amaanka Dalkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *