Wasiirka Ganacsiga soomaaliya oo guddi magacaabay

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulan la qaatay qaar kamida Ganacsatada Beeraha, Kalumeysiga, Xoolaha, iyo Shirkadaha wax dhoofsada, soona degsada.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Ka tashiga Caqabadaha heysta ganacsatada qeybahooda kala duwan iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo Laguna horumarin karo dhaqaalaha dalka soomaaliya loona abuuri karo maalgashi wanaagsan.
Waxaa kulankaasi ugu dambeyn looga dhawaaqay guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada qeybaheeda kala duwan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Xubnaha guddigan ayaa ka shaqeyn doono xoojinta tayada iyo tirada waxyaabaha ay Soomaaliya u suuq geyn karto wadamada uu ganacsiga kala dhexeyo.
Axmed Shiiq Cabdullaahi Warsame Madaxa qeybta Ganacsiga Dibadda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa goobta ka aqriyey magacyada guddiga la magacaabay iyo shaqada ay qaban doonaan.
Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa guddiga la dhisay kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *