Boqolkiba 90 ardaydii sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose dhexe oo ku biiray dugsyada sare

Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa sheegtay in arday dhan 920,765 oo ka mid ahaa in ka badan hal milyan oo sannadkii hore u fariistay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka ee KCPE-da ay u gudbeen dugsiyada sare.
Tiradan ayaa ah boqolkiba 90 waxayna Amina Maxamad wacad ku martay inay wasaaradda ay hoggaamiso ku dadaaleyso sidii dhammaan ardaydaasi ay ugu biiri lahayeen dugsiyada sare.
Tirada ugu badan ee ardayda u gudbay dugsiyada sare ee wadanka ayaa ka soo jeedo ismaamulka Nyeri waxaana soo raaca Siaya, Bomet, Nyandarua, Kajiado, Muranga, Vihiga, Kisumu iyo Homa Bay.
Tirada ugu hooseysa ayaa laga soo tabiyay maamul goboleedyada kala ah Taita Taveta, Kilifi, Nairobi, Mombasa, Lamu, Kwale, Tana River iyo Isiolo .
Dhanka kale madaxa fulinta ee guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa dhammaan maamulayaasha dugsiyada sare ku amartay inay xaqiijiyaan sidii arday waliba oo xaruntaasi looga yeeray ama loo soo xushay uu isaga diiwaangelin lahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *