Guddiga TSC oo soo saaray amar cusub

Guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ayaa soo saaray amar ah in barayaasha wax ka dhigaya dugsiyada wadanka dhammaantood laga doonayo inay noqaan kuwo u diiwaangashan dowladda.
Madaxa fulinta ee TSC Mrs. Nancy Macharia ayaa sido kale sheegtay in macalin laga saaray liiska dowladda uunan wax ka dhigi Karin xarun waxbarasho.
Sido kale Mrs Macharia ayaa maamulayaasha dugsiyada ku amartay inay mar waliba xafiisyadooda ku soo badhigaan macluumaadka macalimiinta , nambarka ay isaga diiwaangeliyeen TSC iyo maadooyinka ay ardayda baraan.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo macalimiinta dalka qaar ka mid ah ay doonayaan in la dallacsiiyo.
401 barayaal ah oo ka shaqeeyo ismaamulka Nakuru ayaa ku dadaalaya sidii loogu kordhin lahaa heerka shaqo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *