Guddoomiyaha Nairobi oo shacabka ugu baaqay inay ka qeybqataan arrimaha miisaaniyadda

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa shacabka ku nool deegaanada kala duwan ugu baaqay inay si weyn uga qeybqaataan geedisocodka miisaaniyad sannadeedka.
Mike Sonko ayaa muddo hal toddobaad ah ugu talagalay in dadweynaha ku nool Nairobi wax laga weydiiyo miisaaniyadda lagu maareynayo howlaha maamul goboleedka.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in tallaabadan ay tahay mid looga gol leeyahay inay jirto daahfurnaan ku aaddan isticmaalka dhaqaalaha.
Kulamo kala duwan ayaa la qorsheynaya in lagu qabto dhammaan 17-ka degaan baarlamaneed ee ay Nairobi ka koobantahay meelaha ay shirarkan ka dhacayaan waxaa ka mid ah Eastleigh Social Hall.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *