In ka badan 16 qof oo shacab ah oo lagu dilay Suuriya

Ugu yaraan 16 qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo uu bariga wadanka Suuriya ka fuliyay isbeheysiga uu Maraykanka taageero ee la dagaallamaya dagaalyaanada kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid toddobo carruur.
Ciidamada isbeheysiga oo garab siinaya saraakiisha SDF ayaa gantaalada ridada dheer ku tuuray tuulada Baghouz, oo ka tirsan gobolka Deir Az Zor.
Waxay tallaabadan qeyb ka tahay howlgalada ugu dambeeya ee ISIS looga xoreynayo dalka Suuriya .
Afhayeenka isbeheysiga militari Sean Ryan ayaa sheegay in ciidamada ay ka fal celinayeen weerar lagu soo qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *