Kalfadhiyada baarlamaanka oo maanta dib u billaabanaya

Waxaa galinka dambe ee manta oo talaado ah la filayaa inay dib u billowdaan kalfadhiyadii caadiga ahaa ee golaha baarlamaanka dalka iyo sido kale aqalka sare.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya laba bilood kaddib oo ay xubnaha baarlamaanka iyo senetka fasax ku maqnayeen.
Golaha sharci dejinta dalka iyo aqalka sare ayaa waxyaabaha u yaallo waxaa ka mid ah miisaaniyadda qaran iyo qiimeynta la xariirta.
Sido kale waxaa horyaalla hindisa sharciyeed dhowr ah oo ku saabsan tamarta , soo saaridda shidaalka , waraabka, waddooyinka, dhulalka iyo kuwo kale.
Mudanayaasha ayaa la filayaa inay eegaan hindisa sharciyeed ku aaddan qaabka loo wajihi karo tirakoobka qaran ee la sameyn doono bisha sideedaad ee sannadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *