Madaxa cadaaladda ee dalka oo isku shaandheyn ku sameeyay garsoorayaasha maxkamadda racfaanka

Madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga ayaa galinkii dambe ee shalay sameeyay isku shaandheyn saameysay garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadda racfaanka laamaheeda Nairobi ,Malindi, Kisumu iyo Nyeri.
Isnbelladan ayaa dhaqangalaya laga billaabo 8-da bisha afaraad ee sannadkan.
Xaakiinada kala ah Erastus Githinji, Hannah Okwengu iyo Jamila Maxamad oo ka shaqeynayay ismaamulka Kisumu ayaa loo soo wareejiyay Nairobi.
Mrs. Wanjiru Karanja iyo Martha Koome ayaa laga soo qaaday degaanka Malindi waxaana la keenay maxkamadda racfaanka ee dalka laanteeda Nairobi .
Fatuma Sichale iyo Sankale ole Kantai oo ku sugnaa Nairobi ayaa loo bedelay ismaamulka Nyeri halka Roselyn Nambuye iyo Daniel Musinga loo soo wareejiyay dhanka magaala madaxda dalka.
Shuruucda dalka ayaa dhigaya in garsooraha ka howlgalo maxkamadda racfaanka goob kale loo bedeli karo laba sano kaddib.
Bayaan ay soo saartay agaasime ku xigeenka dhinaca isgaarsiinta ee waaxda garsoorka, Catherine Wmbui, ayaa lagu sheegau in garsoore Alnashir Visram uu ka sii shaqeyn doono degaanka Malindi halka isbedeladan aynan saameynin Maxamad Warsame ,Philip Waki iyo Katrhurima M’Inoti .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *