Meydka gabadh u ololeysa xuquuqul aadanaha oo la helay

Waxaa la helay meydka gabadh u ololeysa xuquuqul aadahana oo lagu magacaabo Caroline Mwatha oo maalmo la la’aa.
Meydkeeda ayaa lagu arkay mid ka mid ah goobaha meydadka la dhigo ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Booliska dalka ayaa sheegay in haweeneydan ay u muuqatay inay iska soo ridday canug ay uurkiisa lahayd.
Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Mr. Charles Owino ayaa xaqiijiyay in la helay meydka haweeneydan sido kalena xabsiga loo taxaabay dhaqtar ka howlgalayay isbitaalka canuga looga soo xaaqay iyo mulkiilihii xaruntaasi caafimaad.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa horay waaxda dambi barista ee DCI-da ugu baaqday inay dabagal ku sameyso dhacdadii lagu waayay gabadhan.
Haweeneydan ayaa ka howlgaleysay xarunta bulshada loogu adeego ee xaafadda Dandora ee si gaar ah diiradda u saartay la xisaabtanka booliska iyo baaritaanada lagu sameeyo dilalka sharci darrada ah ee saraakiisha lagu eedeyo inay geystaan.
Agaasimaha Amnesty laanteeda Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa maalmo ka hor sheegay in dowladda laga doonayo inay xaqiijiso badqabka dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *