Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo shir gudoomiyay kulanka Tubta Siyaasada loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyey Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Dib-u-eegista Qaab Dhismeedka Hay’adaha Qaranka, kaasoo lagu qabtay xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Shirkaan waxaa ka soo qayb galay wasaaradaha,hay’adaha iyo waaxyaha kala ee ku midaysan Tubta siyaasada loo dhan yahay ee ay soo diyaarisay wasaarada arimaha gudaha,Fedraalka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale kulankaan maamulka gobolka Banaadir ayaa ku soo bandhigay halbeegyadiisa sanadkaan iyo sanadka danbe ee 2020-ka sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *