Wasiirka shaqaalaha oo baaq u diray kalkaaliyayaasha dalka

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Mr. Ukur Yatani ayaa kalkaaliyayaasha wadanka ka codsaday inay soo afjaraan shaqa joojinta ay ku guda jiraan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay tixgeliyaan kulamada dhexdhexaadinta ee socdo fursadna ay siiyaan wada hadalada xal loogu raadinayo arrimaha ay tabanayaan.
Bayaan uu soo saaray ayuu wasiirku ku sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay iska dhaga tireen amar maxkamadda ka soo baxay 5-tii bishan labaad.
Waxaa uu amarkaasi ahaa mid muddo 60 cisho ah lagu hakiyay shaqa joojinta ay ku dhaqaqeen 4-tii Febraayo.
Sido kale Ukur Yattani ayaa bayaanka ku sheegay inuu rajeynayay in xubnaha ururka qaran ee kalkaaliyayaasha ee KNUN ay u hoggaansamaan amarka maxkamadda.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in shaqa joojinta saraakiishan ay saameyn ku yeelatay bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalada dowladda sido kalena ay caqabad ku noqotay geedisocodka dhexdhexaadinta.
Kalkaaliyayaasha ayaa doonaya in laga dhabeeyo heshiis ku aaddanaa mushaar kordhin oo la saxiixay sannadkii 2017-kii iyo sido kale in loo kordhiyo lacagaha gunnooyinka ee la xariira labiska shaqo iyo adeegga ay bulshada u hayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *