Xisbiyada Maraykanka oo heshiis gaaray si looga hortago inay mar kale xirmaan howlaha dowladda

Dhexdhexaadiyayaal ka tirsan aqalka kongareeska ee Maraykanka oo matalaya xisbiyada jamhuuriga iyo sido kale dimuqaradiga ayaa sheegay inay gaareen isafgarad lagu maalgelinayo howlaha dowladda.
Heshiiskan ayaa looga gol leeyahay inuu ka hortag u noqdo inay mar kale hakad galaan howlaha waaxyaha kala duwan ee xukuumadda Washington.
Tallaabadan horay loo qaaday waxaa warbaahinta u sheegay senetar Richard Shelby iyo Nita Lowey kaddib kulan ay albaabadu u xirnayeen oo ay siyaasiyiintu yeesheen.
Bishii Disembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu dalbaday miisaaniyad ah 5.7 bilyan oo doolar si uu ugu dhiso darbi kala qeybinaya Maraykanka iyo Mexico .
Dalabaadka Trump ayaa waxaa ka dhashay Isfahan waa sababay in muddo 35 cisho ah ay xirmaan howlihii dowladda ugu dambeyntina dib u dhac ku yimid mushaaraadkii in ka badan 800, 000 oo shaqaale ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *