14 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Nigeria

Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ayaa sheegaya in 14 qof ay ku dhinteen halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday wadankaasi.
Waxaa dhacdadan laga soo tabiyay magaalada hodonka ku ah shidaalka ee Port Harcourt.
Isu soo baxaasi siyaasadeed ayaa waxaa qabanayay madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari oo doonayay in mar kale la soo doorto.
Kem Daniel-Elebiga oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka magaalada Port Harcourt ayaa sheegay inay ku dadalayaan sidii ay ku badbaadin lahayeen noolosha saddex qof oo dhaawacyo ay soo gaareen oo la geeyay qeybta qaabilsan xaaladaha halista ah.
Maalinka sabtida ayaa la filayaa in Nigeria ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa baarlamaanka.
Madaxweyne Buhari ayaa bayaan uu soo saaray u tacsiyeeyay qoysaska ay eheladooda ku nafwayeen isbuurashada dhacday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *