20 ka tirsan ciidamada Iiran oo weerar lagu dilay

Labaatan xubnood oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada ah ee wadanka Iiraan ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfur bari ee dalkaasi, sida ay baahisay Fars news.
Weerarku wuxuu ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Zahedan iyo Khash, oo ah meel ay xaaladeedu adag tahay oo u dhow xadka Pakistan halkaasoo kooxaha xagjirka ah iyo kuwa tahriibiyeyaasha daroogadu si joogta ah ugu shaqeeystaan.
Sido kale waxaa weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray Toban xubnood oo ka tirsan ciidamada ee dalka Iiraan .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *