Meydka gabadhii u ololeynaysay xuquuqul aadanaha oo aanan baaritaano lagu sameynin

Waxaanan maanta baaritaano lagu sameynin meydka Caroline Mwatha oo ahayd gabadh u ololeysa xuquuqul insaanka oo muddo hal toddobaad ah la raadinayay kadibna shalay meydkeeda la helay.
Qoyska Mrs. Mwatha iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa rajeynayay in maanta baaritaan lagu sameeyo meydka taasi oo aanan dhicin.
Dr. Johansen oduor oo dowladda u qaabilsan baaritaanada lagu sameeyo meydadka ayaa la sheegay inuu ku mashquulsanaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Dadka isugu tagay xarunta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka ayaa caradooda sidatan u soo bandhigay

Waaxda dambi barista dalka ee DCI-da ayaa dhanka kale shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay 6 qof oo ah eedeysanayaal lala xariirinayo dilka Caroline Mwatha .
Agaasimaha waaxda dambi barista Mr. George Kinoti ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in eedeysanayaasha la qabtay loo haysto inay ku lug lahayeen iskuday ku aadanaa in gabadha laga soo rido uur ay lahayd kaasi oo fashilmay ugu dambeyntina laga takhalusay.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Betty Akinyi Nyanya ,Richard Ramoya Abudo ,Georgia Achieng Tabitha Michael Onchiri ,Alexander Gitau Gikonya iyo Stephen Maina.
Mr. Kinoti ayaa sido kale sheegay in ciidamada ay baaritaano dheeraad ah sameynayaan si cadaaladda loo hor keeno cid waliba oo falkaasi ka qeyb qaadatay.
Qoyskii ay ka baxday Caroline ayuu hoosta ka xariiqay inay laamaha ammaanka murugada la qeybsanayaan dowladdana ay sameyn doonto wax waliba oo karaankeeda ah si ay cadaalad u helaan.
Waxaa uu dhanka kale ku baaqay in deganaansho iyo dulqaad ka muujiyo inta baaritaanada socdo laga soo gabagabeynaya.
Kaddib markii la helay meydka Caroline Mwatha ayuu aabaheed , Stanlous Mbae dareenkiisa sidatan u muujiyay

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa horay waaxda dambi barista ee DCI-da ugu baaqday inay dabagal ku sameyso dhacdadii lagu waayay gabadhan.
Haweeneydan ayaa ka howlgaleysay xarunta bulshada loogu adeego ee xaafadda Dandora ee si gaar ah diiradda u saartay la xisaabtanka booliska iyo baaritaanada lagu sameeyo dilalka sharci darrada ah ee saraakiisha lagu eedeyo inay geystaan.
Agaasimaha Amnesty laanteeda Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa maalmo ka hor sheegay in dowladda laga doonayo inay xaqiijiso badqabka dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *