5 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Kericho

Diyaarad maanta ku burburtay meel u dhow keynta Makutano ee degmada Londiani oo ka tirsan ismaamulka Kericho ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dhammaan 5-tii qof ee rakaabka ahaa ee saarnaa.
Dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamada booliska u qaabilasan duulimaadyada Rodgers Mbithi.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca rakaabka ee Cesna 206-5-Y BSE .
Rakaabka saarnaa ayaa isugu jiray saddex rag iyo laba haween ah in kastoo ilaa iyo hadda aanan faahfaahin laga bixin wadamada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Taliyaha booliska ee gobolka Rift Valley ,Edward Mwamburi ayaa sheegay inaynan weli caddeyn sababta keentay burburkaasi siyaasadeed in kastoo baaritaano ku aaddan la guda galay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *