6 qof oo loo xiray dilka gabadh maalmo ka hor la waayay

Waaxda dambi barista dalka ee DCI-da ayaa shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay 6 qof oo ah eedeysanayaal lala xariirinayo dilka Caroline Mwatha oo ka mid ahayd dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Haweeneydan oo ugu dambeyn meydkeeda laga helay goob meydadka la dhigo ayay dad ugu war dambeysay 6-dii bishan labaad.
Agaasimaha waaxda dambi barista Mr. George Kinoti ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in eedeysanayaasha la qabtay loo haysto inay ku lug lahayeen iskuday ku aadanaa in gabadha laga soo rido uur ay lahayd kaasi oo fashilmay ugu dambeyntina laga takhalusay.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Betty Akinyi Nyanya ,Richard Ramoya Abudo ,Georgia Achieng Tabitha Michael Onchiri ,Alexander Gitau Gikonya iyo Stephen Maina.
Mr. Kinoti ayaa sido kale sheegay in ciidamada ay baaritaano dheeraad ah sameynayaan si cadaaladda loo hor keeno cid waliba oo falkaasi ka qeyb qaadatay.
Qoyskii ay ka baxday Caroline ayuu hoosta ka xariiqay inay laamaha ammaanka murugada la qeybsanayaan dowladdana ay sameyn doonto wax waliba oo karaankeeda ah si ay cadaalad u helaan.
Waxaa uu dhanka kale ku baaqay in deganaansho iyo dulqaad ka muujiyo inta baaritaanada socdo laga soo gabagabeynaya.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa horay waaxda dambi barista ee DCI-da ugu baaqday inay dabagal ku sameyso dhacdadii lagu waayay gabadhan.
Haweeneydan ayaa ka howlgaleysay xarunta bulshada loogu adeego ee xaafadda Dandora ee si gaar ah diiradda u saartay la xisaabtanka booliska iyo baaritaanada lagu sameeyo dilalka sharci darrada ah ee saraakiisha lagu eedeyo inay geystaan.
Agaasimaha Amnesty laanteeda Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa maalmo ka hor sheegay in dowladda laga doonayo inay xaqiijiso badqabka dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *