
Agaasimaha Baarista Dambiyada ee dalka (DCI-da ) ayaa ka codsaday dadweynaha in ay ka caawiyaan si ay gacanta ugu soo dhigaan ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay wadada Latema ee bartamaha magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Ciidamada dambi barista ee dalka ayaa manta soo saaray muuqal uu ka soo muuqday wiil dhalinyaro ah oo qaraxa fuliyay .
Qaraxa, oo dhacay Janaayo 26-keedii, sanadkan ayaa ka dhacay waddada Latema Road oo ku dhaw wadada Tom Mboya Street ee Bartamaha Nairobi waxaana ku dhaawacmay laba qof.
Tani iyo markii uu qarxaasi dhacay ayaa laamaha ammaanka waxaa ay wadaan baaritaano ay raad joogaan qofkii fuliyay.