Dad maanta maxkmada loo soo taagay dilkii Caroline Mwatha

3 qof oo lala xariirinayo dilkii loo gaystay Caroline Mwatha oo ahayd gabadh u ololeysa xuquuqul insaanka ayaa maxkamada Kiambu waxaa ay amartay in xabsiga lagu sii hayo mudo 14 cisho ah si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Gabadhan oo muddo hal toddobaad ah la raadinayay kadibna ayaa shalay meydkeeda la helay.
Qoyska Mrs. Mwatha iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa rajeynayay in maanta baaritaan lagu sameeyo meydka taasi oo aanan dhicin.
Dr. Johansen oduor oo dowladda u qaabilsan baaritaanada lagu sameeyo meydadka ayaa la sheegay inuu ku mashquulsanaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Dadka isugu tagay xarunta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka ayaa caradooda sidatan u soo bandhigay
Agaasimaha waaxda dambi barista Mr. George Kinoti ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in eedeysanayaasha la qabtay loo haysto inay ku lug lahayeen iskuday ku aadanaa in gabadha laga soo rido uur ay lahayd kaasi oo fashilmay ugu dambeyntina laga takhalusay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *