Maxkamadda cadaaladda oo go’aan ka gaareysa cabasho ay iiraan gudbisay

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ayaa maanta oo arbaco ah la filaya inay go’aan ka soo saarto cabasho uga timid dowladda iiraan.
Iiraan ayaa doonaysa inay dib u hesho 2 bilyan oo doolar oo ah qiimaha hanti uu Maraykanka xayiraad ka saaray kaddib markii weeraro dhacay lagu eedeyay Tehran.
Xukuumada Washington ayaa doonaysa in dhaqaalahaasi lagu wareejiyo dhibanayaasha ay weeraradaasi saameyeen.
Bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamaddan ay Maraykanka ku amartay inuu cunaqabateynta ka qaado iiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *