Venezuela oo beenisay inay jirto xaalad bani’aadanimo oo daran

Wasirika wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Venezuela, Jorge Arreaza ayaa beeniyay in wadankaasi uu u baahanyahay gargaar maadaama ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo laga deyriyo.
Qaramada midoobay ayuu u sheegay in maamulka madaxweyne Nicolas Maduro uu xoogga saarayo sidii sara loogu sii qaadi lahaa xariirka iyo iskaashiga kala dhexeya jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Isniintii ayay ahayd markii mas’uulkan uu la kulmay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres .
Maraykanka ayuu ku eedeyay inuu munaafiqnimo ku kacay maadaama uu Venezuela xayiraad saaray dhanka kalena uu shaaciyay inay ka jirto xaalad bani’aadanimo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *