Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in la yareeyo shilalka wadooyinka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaran Dr. Fred Matiang’I ayaa maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA ku amray inuu ku dadaalo sidii boqolkiba 50 loo yareyn lahaa shilalka ka dhaco wadooyinka kala duwan ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sarakiisha laga doonayo inay amarkani cusub ka dhabeyaan inta uunan dhammaan sannadkan 2019-ka.
Dr. Matiang’i ayaa sido kale maamulka qaran ee gaadiidka ku booriyay inuu si dhow ula socdo habdhaqanka wadayaasha baabuurta, mootooyinka iyo shacabka gudbaya wadooyinka.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sarakiisha laga doonayo inay kenyaanka u muujiyaan daacadnimo oo ay si buuxda u dhaqangeliyaan shuruucda u degsan isticmaalka wadooyinka dalka.
Waxaa uu xasuusiyay in lagula xisaabtamayo shaqada ay kenyaanka u hayaan oo ciidi laga dareemo habacsanaan ama inaynan sida habboon u gudan waajibaadka saran laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.
Maamulka ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda gaadiidka , guriyeynta iyo kaabayaasha wadooyinka Mr. James Macharia uu soo magacaabay guddi cusub oo hoggaaminayay maamulka qaran ee NTSA oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *