Xiisadii Siyaasadeed ee Hirshabeele oo Xal laga gaaray.

Masuuliyiinta ugu saraysa mamaul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeele ayaa lagu soo waramayaa inay xal ka gaareen Isfahan waagii dhanka siyaasada ahaa ee todobaadyo ka hor soo kala dhexe galay Madaxda xukuumada Hirshabeele iyo baarlamaanka.
Ilaa markii madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare uu magacaabay golihiisa wasiirada ayaa waxay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay qaab uu madaxweynuhu u maray magacaabida wasiiro Cusub ay ka dhexaysay baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Xildhibaanada Hirshabeele qaarkood ayaa talaabada madaxweynuhu wasiirada iskushayndhaynta ugu sameeyay iyo magacaabista ku Tilmaamay mid sharciga aan waafaqsanayn waxayna sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyeen inuu wax isdabamarin sameeyay.
Sadexdii Cishe ee la soo dhaafay waxa uu hakad ku yimid kulamadii baarlamaanka hirshabeele ay ku yeelan lahaayeen magaalada Jowhar oo ay ku doonayeen in madaxweynuhu baarlamaanka hor yimaado si wax looga waydiiyo eedaymaha loo soo jeediyay.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadii ka soo horjeeday ugu danbayntii xal laga gaaray dhamaan waxyaabihii la isku khilaafsanaa.
Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeeli Sheikh Cismaan Bare Maxamed ayaa lagu wadaa inuu manta baarlamaanka u jeediyo khudbad uu kala hadlayo xalka siyaasadeed ee laga gaaray khilaafkii ka dhex jiray madaxda maamulka Hirshabeele iyo Tabashadii ay xildhibaanadu soo gudbiyeen madxweynuhuna ka dhagaystay.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka hirshabeele qaar ka mid ah ayaa madaxweyanah ku eedaynayay inuusan waxba ka qaban arimo ay ka mid ahaayeen xaaladaha ka jira deegaanada maamulkaas,Rabshada ka dhacay magaalada Balcad ee gobolka shabeelada Hoose,qorshaha ka bixitaanka kunka askari eek a tirsan ciidanka AMISOM ee deegaanada gobolka shabeelada dhexe iyo qodobo kale.
Xldhibaanada Hirshabeele ayaa sheegay inay walaac badan ku abuurtay qorshaha kunka askari ee AMISOM ay dabayaaqada bishaan uga baxayaan gobolka shabeelada dhexe,waxay sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyeen inuu shaqsiyaad ay aad isugu dhawaayeen uu u magacaabay xilalka wasiirada Hirshabeele.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *