Kalkaaliyayaasha oo ku gacan seyray amar ka soo baxay madaxweynaha dalka

Kaddib amar shalay ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta , xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyayaasha dalka ee KNUN Mr. Seth Panyako ayaa wacad ku maray inay sii soconayso shaqa joojinta ay ku guda jiraan.
Mr. Panyako ayaa ku doodaya in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid sharciga waafaqsan sidaasi awgeedna uunan jirin wax isbedel ah oo ku yimid.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiinta kalkaaliyayaasha ee ismaamulada kala duwan ay awood u leeyihiin in gadoodka shaqo la soo afjaro.
Sido kale waxaa uu intaasi ku daray inay u hoggaansamayaan sharciga oo aynan wax xadgudub ah sameynayn balse aynan dhanka kale marnaba ka gaabin doonin inay u doodaan xuquuqda shaqaalaha dowladda ee ay matalaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuunan u jawaabeynin madaxweynaha dalka kaddib amarkii uu soo saaray balse uu xubnaha ururka KNUN ee ismaamulada qaar uu u xaqiijinayo inay sii wadi karaan shaqa joojintooda

Shalay ayay ahayd markii Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo hadal kooban ka jeediyay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House uu amarro adag ka soo saaray shaqa joojinta ay kalkaaliyayaasha ku guda jireen maalmihii la soo dhaafay.
Waxaa uu xubnaha ururka qaran ee KNUN u qabtay ilaa iyo maalinka jimcada ee ay taarikhdu ku beegantahay 15-ka bishan labaad si ay isaga xaadiriyaan isbitaaladii ay ka shaqeynayeen haddii kale tallaabo adag laga qaadayo.

Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in sannadihii ugu dambeeyay dowladda dhexe iyo ismaamulada ay si weyn isaga kaashadeen in la wanaajiyo xaaladaha shaqo ee howlwadeenada caafimaadka iyo kordhinta musharaadkooda si looga dhabeeyo qorshayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee oo ay ka mid tahay helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu amarkan ku dhawaaqay kaddib kulan uu la qaatay madaxda wasaaradda caafimaadka iyo golaha ay ku mideysanyihiin barasaabyada dalka ee COG.
Madaxweynaha ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in kalkaaliyayaasha qaar ay go’aansadeen inaynan kenyaanka u adeegin in kastoo uu jiro amar ka soo baxay maxkamadda shaqaalaha.
Maxkamadda ayaa 5-tii bishan muddo 60 cisho ah hakad gelisay shaqa joojinta ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo wada hadalada dhexdhexaadinta ee uu billaabay wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukuru Yattani.
Waxaa uu sido kale sheegay in kalkaaliyayaasha ay iska dhagatireen amarka maxkamadda taasina sida uu hadalka u dhigay ay liddi ku tahay dastuurka wadanka laga isticmaalo ee qeexaya inuu jiro nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Maamul goboleedyada kala duwan ayuu Mr. Kenyatta sheegay in 8-da subaxnimo ee jimcada kaddib ay u madax bannaanyihiin tallaabada ay ka qaadayaan kalkaaliyihii aanan soo shaqa tagin maadaama uu ku eedeyay inay howlwadeenada ku kaceen tallaabo sharci darro ah.
Mr.Kenyatta ayaa intaasi ku daray in waaxda qaran ee adeegga booliska ku amray inay gacanta ku dhigto qof kasta oo isku daya inuu u hanjabo ama shaqadiisa ka hor istaago sarkaalka u adeegaya dadweyanaha.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay in ugu yaraan boqolkiba 87.3 ee miisaaniyadda ismaamulada loo adeegsaday in lagu bixiyo qarashaadka la xariira musharaadka shaqaalaha.
Kalkaaliyayaasha dalka ayaa doonaya in si buuxda loo dhaqangeliyo heshiis ku aaddan lacagaha gunnooyinka ee labiska shaqo iyo adeegga ay dadweynaha u fidiyaan ee la saxiixay 2017-kii.
Ilaa iyo hadda waxay shaqa joojinta kalkaaliyayaasha ka socotaa 13 maamul goboleed halka 10 kalena ay ku biirayaan isniinta sida Murang’a, Tana River, Nakuru, Siaya, Kakamega, Narok, Makueni, Bomet iyo Busia.
Maalmaha talaadada iyo arbacada ee isbuuca soo socdo kalkaaliyayaasha ka howlgalo isbitaalada dowladda ee ismaamulada Uasin Gishu iyo Isiolo ayaa la filaya inay dhigaan qalabka ay ku shaqeyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *