Kenyaanka oo walaac ka muujiyay isbedelka cimilada

Darasaad caalami ah oo ay sameysay shirkad uu fadhigeedu yahay magaalada Washington ee Maraykanka ayaa Kenyaanka ka qeyb qaatay waxay sheegeen in isbedelka ku yimaado cimilada uu halis ku yahay dalka.
Sido kale waxay sheegeen in dowladda la doonayo inay si buuxda ula tacaasho falalka argagixiso ee mararka qaar saameynta ku yeesho xasiloinida wadanka.
Waxaa darasaadka sameysay shirkadda Pew oo su’aalo kala duwan weydiisay 1,039 qof oo Kenyaan ah.
Shacabka la wareystay ayaa sido kale cabasho ka muujiyay in abaarihii ku dhuftay qeybo ka mid ah wadanka ay hoos u dhac ku keeneen wax soo saarka beeraha.
Boqolkiba 71 waxay ka hadleen isbedelka cimilada , boqolkiba 65 waxay soo hadal qaadeen weerarada dhanka intarneetka, cyberattacks, 64 waxay sheegen in la sameeyo istaraatiijiyad ka dhan ah kooxda isku tilmaama islaamiga ee weerarada geysta halka 58 boqolkiba ay muujiyeen dareenkooda ku aaddan dhaqaalaha caalamka.
Boqolkiba 56 ee shacabka Kenyaanka ah ee la wareystay waxay walaac ka muujinayaan barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada waqooyi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *