DHAGEYSO:Baaqyada ku aaddan midnimada shacabka Wajeer oo isa soo taraya

Waxgaradka, culimaauddiinka ,wakiilada golaha hoose iyo dhalinyarada ismaamulka wajeer ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay uga hadleen in gacmaha la isqabsado oo laga wada shaqeeyo danta shacabka.
Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Wajeer ayaa lagu booriyay inay iscafiyaan oo ay midnimo muujiyaan kana fogadaan wax waliba oo keeni karo khilaaf iyo dib u dhac dhanka horumarka ah.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo maalinkii shalay barasaabka ismaamulka wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud iyo sido kale guddoomiyihii ka horeeyay Axmad Cabdullahi ay ku baaqeen inaan la kala qeybsamin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *