Dhaxalsugaha Sacuudiga oo gaaray Pakistan

Maxamad Bin Salmaan, Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa safar ku tagay wadanka Pakistan.
Laba maalmood ayuu halkaasi ku sugnaan doonaan si uu qeyb uga noqdo in la saxiixo heshiisyo dhanka maalgashiga oo ku kacaya in ka badan 10 bilyan oo doolar.
Maxamad Bin Salmaan ayaa maanta gaaray magaalada, Islamabad waxayna booqashadan ku soo aadday hal maalin kaddib qorshuhu sidii uu ahaa.
Waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Imran Khan isagoo loo dhigay roogga cas sido kalena loo riday 21 rasaas sharafeed ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *