Dowladda soomaaliya oo ka hadashay muranka kala dhexeya Kenya

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda star fm ku sheegtay inuu jawaab u yahay laguna dhameystirayo qoraalkii dibloomaasiyadeed ee Kenya ee 8-dii bishan labaad.
Kenya ayaa xilligaasi cabasho ka muujisay khariido ama maab ay sheegtay in soomaaliya ay 7-dii Febraayo ku soo bandhigtay shir diiradda lagu saarayay arrimaha shidaalka oo ka dhacay magaalada London ee ingiriiska.
Kenya ayaa cabasho ka muujisay in maabkaasi lagu soo bandhigay goobo shidaal oo ay sheeganayaan labada dal balse sida uu qoraalku muujinayo ay soomaaliya isleheysiisay.
Kenya ayaa maabkaasi ku tilmaantay mid sharci darro ah balse wax saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka soomaaliya ee maanta waxaa ku xusan in soomaaliya ay sii wadeyso inay baddeeda difaacdo.
Qoraalka maanta waxaa sido kale lagu sheegay in soo bandhigidda maabka shidaal uu qey ka yahay go’aanka soomaaliya sida dacwaddii la horgeeyay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Soomaaliya ayaa sido kale sheegtay inay ilaashaneyso qaranimadeeda, madax bannaanideeda siyaasadeed, midnimadeeda iyo xuduudeeda.
Soomaaliya ayaa sido kale sheegtay inay ka qoomamooneyso bayaanka Kenya ee lagu eedeyay inay ka xaraashtay shidaal.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaynan falkaasi ku kicin ama u qorsheysnayn ilaa iyo inta maxkamadda ICJ ay soo gabagabeynayso dacwadda ku aaddan muranka dhanka badda.
Sido kale Kenya ayaa qoraalka loogu xaqijiyay in soomaaliya aynan daneynayn inay howlo u gaar ah ka sameyso dhulbadeedka lagu muransanyahay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa xustay in wax laga xumaado ay tahay tallaabadii lagu eryay ambasadoor Tarsan iyadoo aanan wax wadatashi ah lagala sameyn dowladda federalka soomaaliya.
Shacabka Kenya iyo soomaaliya ayay wasaaraddu sheegtay inay wadagaan xariir soo jireen oo dhanka dhaqanka ah taasina aanan lagu dhaawici isfahanwaa soo kala dhexgala.
Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay inay la sii shaqeyso walaalaheeda ku sugan gudaha dalkeeda iyo Kenya labaduba si xal loogu helo caqabadaha ay wahajayaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa war saxaafadeedka ku soo gabagabeysay inay inay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya fursad u siineyso una xaqiijineyso tixgelin aad u sarreysa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *