Guddiga dhaqaatiirta dalka oo baaraya dhimashada 60 dhallaan ah

Guddiga dhaqaatiirta dalka ee (KMPDB) ayaa guda galay baaritaano lagu sameynayo dhimashada ilaa iyo 60 dhallaan oo laga soo tabiyay isbitaalka weyn ee Kiambu .
Madaxa fulinta ee guddigan ,Daniel Yumbya ayaa arrinkan shaaca ka qaaday maanta oo axad ah.
Warbixinta la xariirta dhimashada carruurtaasi ayaa soo baxday jimcihii waxaana la sheegay inay isbitaalkaasi ku dhinteen labadii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiiradda caafimaadka ee ismaamulka Kiambu, Mary Kamau, Kiambu ayaa dhimashooyinkan xaqiijisay in kastoo ay beenisay in sababtu ay tahay dayac ama habasanaan dhanka shaqada ah.
Guddigan ayaa maamulka isbitaalka gaar ahaan sarkaal ugu sarreeya xaruntaasi caafimaad, Dr Jesse Ngugi ka dalbaday inuu faahfaahino ka bixiyo dhacdadan baaritaanada lagu hayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *