Iiraan oo u yeertay safiirka Pakistan u fadhiya dalkeeda

Dowladda iiraan ayaa lagu soo warramaya inay cabasho rasmi ah u gudbisay danjiraha Pakistan u joogo magaalada Tehran.
Arrintan ayaa timid kaddib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Sistan-Baluchestan lagu dilay 27 sarkaal oo ka mid ah ciidamada.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee iiraan Bahram Ghasemi ayaa sheegay in xukuumada Tehran ay si cad safiirka Pakistan ee iiraan Rafat Mascuud ugu bandhigtay cabashadeeda.
Pakistan ayaa laga doonaya inay tallaabo adag ka qaadato kooxda hubeysan ee Jaish al-Adli ee falkaasi lala xariiriyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *