Musalia Mudavadi oo ku baaqay in beesha caalamka ay xaliso muranka Kenya iyo Soomaaliya

Hoggaamiyaha xisbiga ANC kana mid ah madaxda sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa , Musalia Mudavadi ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay qaaddo tallaabo degdeg ah oo ay wax uga qabaneyso muranka dhanka dibloomaasiyadeed ee soo kala dhex galay wadamada dariska ah ee Kenya iyo soomaaliya ka hor inta sida uu hadalka u dhigay aynan xaaladdu faraha ka bixin.
Kenya ayaa kaddib markii ay soomaaliya ku eedeysay inay xaraashtay shidaalka dhulbadeedka lagu muransanyahay ee xiga xadka soomaaliya waxay qaadday tallaabo laga cabsi qabo inay saameyn ka dhalato.
Bayaan uu galinkii dambe ee shalay soo saaray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ambasadoor Macharia Kamau ayaa dib loogu yeeray safiirkii Kenya ku matalaya soomaaliya Lucas Tumbo halka danjirihii soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmad Nuur Tarsan lagu amray inuu dalka isaga baxo maantana uu gaaray Muqdisho.
Musalia Mudavadi ayaa hoosta ka xariiqay hadii labada wadan ee dariska ah uu soo kala dhex galo khilaaf xooggan taasi ay saameyn dheeraad ah ku yeelanayso Kenya.
Kenyaanka ayuu ku booriyay inay xaaladda taagan dhexdhexaad ka noqdaan muranka jirana aanan la fududeysan.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *