Sarkaal uu Trump magacaabay oo xilkaasi iskadiidday

Waaaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Heather Nauert oo ah haweeney uu madaxweynaha dalkaasi Donald Trump soo magacaabay ay iskadiidday xilkii ay la wareegi lahayd.
Mr. Trump ayaa doonayay in Mrs. Heather ay noqoto ergeyga xukuumadda Washington ku matasho qaramada midoobay.
Hasa ahaate waxaa bayaanka lagu sheegay in afhayeenka waaxda arrimaha dibadda aynan xilkaasi loo magacaabay jecleysan diyaarna u ahayn sababo dhanka qoyska ah awgood.
In kastoo faahfaahin dheeraad ah aanan laga bixin sababta rasmiga ah haddan waxay u muuqdaan kuwo saameyn ku yeelan karo shaqadeeda haddi ay la wareegto xilka loo magacaabay.
Dhanka kale haweeneydan ayay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga dimuqaradiga ku dhaliileen inaynan lahayn waaya aragnimo ku filan oo la xariirta dibloomaasiyadda.
Sido kale aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaanan weli magacaabidda Nauert si rasmi ah ugu gudbin aqalka sare ee Senate-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *