Guddiga adeega macalimiinta oo doonayo in loo kordhiyo miisaaniyadda dhaqaale

Guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ayaa doonaya miisaaniyad dheeraad ah oo dhan 27 bilyan oo shilin si ay ugu suurtagasho inuu barayaal dheeraad ah shaqaleysiiyo.
Dhaqaale gaaraya 13 bilyan oo shilin ayuu guddigu sheegay inuu u baahanyahay si loo dhaqangeliyo heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo macalimiinta lala galay.
Heshiiskan ayuu qorshuhu yahay in lagu tallaabo qaado bisha toddobaad ee sannadkan.
Sido kale miisaaniyadda uu guddigu codsanayo 6.5 bilyan oo ka mid ah waxaa lagu howlgelinayaa 10,000 oo macalimiin ah.
3.5 bilyan oo shilin waxaa loo adeegsanaya barnaamijka macalimiinta iyo shaqaalaha TSC loogu wareejinayo degaano kale oo ay ka shaqeyaan halka 3.9 bilyan loo isticmaalayo howlaha mushaar kordhin.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC, Nancy Macharia ayaa codsigan u gudbisay guddiga tacliinta ee baarlamaanka dalka.
Waxay intaasi ku dartay in miisaaniyad sannadeedka TSC oo hadda ah 226 bilyan laga dhigo 253.6 bilyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *