Guddoomiyaha baarlamaanka oo difaacay baaritaano dhanka gaadiidka ah

Guddoomiyaha golaha qaran ee sharci dejinta Mr. Justin Muturi ayaa difaacay go’aan uu soo saaray kaddib markii guddiyo kala duwan ay soo jeedin ka timid.
Guddiyada maalgashiga iyo gaadiidka oo ay kala hoggaamiyaan xildhibaanka deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa Cabdullswamad Sharif Nassir iyo David Pkosing ayaa labaduba doonaya inay baaritaan ku sameyaan heshiis la sheegay inay gaareen maamulka shirkadda duulimaadyada ee Kenya Airways iyo midka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA.
Heshiiskan ayaa ah in maamulka , dayactirka iyo sara u qadidda gagida JKIA lagu wareejiyo shirkadda qaran ee duulimaadyada ee KQ.
Karaaniga baarlamaanka dalka Mr. Michael Sialai ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in guddoomiye Justin Muturi uu isku dayay inuu xaaladda jirta iyo baaritaanada socdo wax ka caddeeyo kaddib codsi uga yimid guddoomiyaha guddiga maalgashiga ee baarlamaanka Cabdullswamad Sharif Nassir.
Qiimeyn kaddib , Mr. Muturi ayaa go’aamiyay in guddiga gaadiidka uu baaro heshiiska ka dhexeya Kenya Airways iyo JKIA.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *