In ka badan 600 oo ka mid ah sarakiisha wasaaradda dhulalka oo baaritaano lagu hayo

Waxaa baaritaano lagu wadaa ugu yaraan 600 oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda dhulalka ee dalka.
Xoghayaha wasaaraddan u qaabilsan dhanka maamulka ,Gideon Mung’aro ayaa sheegay in sido kale dib u habeyn lagu sameyn doono dhammaan karaaniyaasha wasaaradda.
Sido kale mas’uulkan ayaa sheegay in sarakiisha qaar loo wareejiyay wasaarado kale halka kuwo kalena ay wajahayaan dabagal ku saabsan inay gacan ka geysteen dhul dowladeed oo si sharci darro ah lagula wareegay.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in ka wasaarad ahaan ay walaac ka muujinayaan dhulal dowladeed oo la soo tabiyay in lagu boobay deegaano ay ka mid yihiin Thika iyo Ruiru oo ka tirsan ismaamulka Kiambu

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *