Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in aysan sii wadi doonin wada xaajoodka kala dhexeya Maraykanka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in aysan waxba iska badalanayn mawqifka xukuumada Pyongyang xitaa haddii Maraykanku dalbado wadahadallo dheeri ah.
Ri Yong Ho ayaa sheegay inaynan sii wadi doonin wada hadalada kala dhexeya Maraykanka.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya hal maalin un kaddib markii wax is afgarad ah aanan laga soo saarin kulankii shalay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam ay ku yeesheen madaxda Maraykanka Donald Trump iyo dhiguusa Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un.
Waxaa la filayay inay ku heshiiyaan sida looga gudbi karo adeegsiga hubka nukliyeerka sido kalena Kuuriyada waqooyi looga qaadi lahaa xayiraadda saaran.
Donald Trump ayaa dhankiisa shalay sheegay inaynan jirin wax xaqiijin ah oo ku aaddan inuu mar kale la kulmayo hoggaamiyaha xukuumada Pyongyang hasa ahaate wufuud mataleysa labada dal ay wada hadalo u sii soconayaan.
Dhanka kale madaxweynaha kuuriyada koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay inuu labada wadan kala shaqeyn doono sidii ay heshiis uga gaari lahayeen barnaamijka hubka nukliyeerka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *