Madaxweynaha oo baaq u diray madaxa cadaaladda

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga ka codsaday inuu mudnaanta koowaad siiyo sidii go’aami looga soo saari lahaa kiisaska sababay inay hakad galaan mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Sarakiisha ka howlgalo waaxda garsoorka ee dalka ayuu sido kale Mr. Kenyatta ugu baaqay inay sii xoojiyana dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan dad eedeysanayaal ah oo maxkamadaha tagay si Kenyaanka ay uga hor istagaan inay cadaalad helaan oo lagula xisaabtamo qaladaadkooda.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu jiro dareen guud oo ay shacabka qabaan kaasi oo ah in qaar ka mid ah sarakiisha garsoorka iyo aqoonyahanada sharciga ay iska kaashadaan in laga tallaabsado shuruucda dastuuriga ah.
Waxaa la qiyaasayaa inaan weli la dhameystirin mashaariic horumarineed oo ay dowladdu ku bixisay in ka badan 350 bilyan oo shilin.
Madaxa cadaaladda ee dalka Mr David Maraga ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay taageero buuxda u muujinayaan hadii ay maxkamadda keento kiisas loo hayo caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *