Maraykanka oo hal milyan oo doolar u ballanqaaday ciddii soo gudbisa xogta wiilka Osama Bin Ladin

Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay inay lacag dhan hal milyan oo doolar ku abaalmarin doonto cidii laga helo macluumaad ku aaddan wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo lagu magacaabo Xamza.
Xamza bin Laden ayuu Maraykanku u arkaa halis hor leh oo dhanka argagixisada ah.
Sannadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in wiilkan uu ku noolyahay wadamada kala ah Pakistan, Afghanistan, Syria ama uu ku suganyahay iiraan isagoo xabsi guri ku jira.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa arrinkan shaaca kaga qaadday bayaan ay soo saartay.
Waxay hal milyan oo doolar siineysa qofkii soo sheega halka uu waqti xaadirkan ku suganyahay Xamza Osama Bin Laden.
Sannadkii 2011-kii ayay ahayd markii Maraykanku uu shaaciyay in ciidamadiisa sida gaarka ah u tababaran ay Osama Bin Laden ku dileen wadanka Pakistan .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *