Laamaha ammaanka oo hawlgal ka fuliyay guri ku yaala ismamaulka Kwale

Ciidamada Booliska dalka ayaa hawlgal ka sameeyey guri ku yaalla Deegaanka Nagombeni oo ka tirsan ismaamulka Kwale, ee gobolka xeebta dalka.
Ciidamadan ayaa sheegay inay arkeen guri lagu tababarayay dhalinyaro looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Alshabaab.
Taliyaha ciidamada Boliska Kwale, Tom Odera ayaa sheegay in 10 qof oo ku sugnaa gurigaasi ay baxsadaen, balse ay Booliska heleen qalab ciiddan, oo ay ka mid yihiin Tuutaha Ciiddaanka, kabaha Buudka, maqaro, Buugaag, iyo qalab laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa, sida uu hadalka u dhigay.
Mr Odera ayaa carabka ku dhuftay in la burburin doono gurikaasi lagu bixinayay tababarka.
Waxaa uuna saxaafadda u soo bandhigay qalabkii ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka gaar ahaana kuwa ladagaalanka wax loogu yeero arrgagixisadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *