Bangiga dhexe oo soo daabici doono shuruuc ku aaddan maaliyadda

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka ee CBK Mr. Patrick Njoroge ayaa u muuqdo inuu u hoggaansamay cadaadis maalmihii la soo dhaafay ay saarayeen xildhibaanada baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay inuu soo daabici doono shuruucda ku aaddan isticmaalka adeegyada bangiyada dalka.
Waxaa uu Mr. Njoroge si gaar ah u soo bandhigi doonaa shuruucda xakameynaysa qiimaha lacagta ee uu qofka kala bixi karo akoontigiisa bangiyeed ama uu ku xawilan karo.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu muran ka taagnaa qorsho ka soo baxay bangiga dhexe oo ahaa in qofka uunan akoontigiisa bangiyeed kala bixi Karin wax ka badan hal milyan isagoo aanan faahfaahin bixin.
Xildhibaanada qaar ayaa arrinkan ka soo hor jeestay waxayna wacad ku mareen inay guda galayaan sidii xafiiska uu ku banneyn lahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee CBK.
Hasa ahaate mas’uulkan ayaa go’aankiisa ku adkeystay wuxuuna sheegay in qorshaha uu la yimid uunan caqabad ahayn.
Shalay ayaa laga doonayay inuu guddi baarlamaani ah ka soo hor muuqdo balse waa uu cudur daartay isagoo sheegay inuu weli wada tashi dheeraad ah sameynayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *