Madaxweynaha Faransiiska oo maanta booqasho ku imaanaya dalka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa 2-da duhurnimo ee maanta la filayaa inuu dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ku soo dhaweeyay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaaladatani Nairobi.
Labadan mas’uul ayaa tagi doono xarunta dhexe ee tareenada ee Nairobi kaddib inta aynan si wadajir ah warbaahinta ula hadlin.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Macron ayaa ka hadli doono qeybta adeegga tareenada ee la doonayo in laga hirgeliyo gagida caalamiga ee diyaarada ee JKIA.
Madaxweynaha Faransiiska oo shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa Itoobiya soo maraya ka hor inta uunan maanta Kenya imaan.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitarka ku sheegtay in la isku diyaariyay soo dhaweynta Macron.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa booqashada madaxweyne Macron ku tilmaantay mid taariikhi ah.
Safarkan ayaa noqonaya midkii ugi horeeyay ee uu Kenya ku yimaado madaxweyne Faransiis oo xil haya.
Mr. Macron oo shalay ku sugnaa Jabuuti ayaa booqday 1,400 sarkaal oo ku sugan saldhig uu halkaasi ku leeyahay.

Waxaa uu u sii gudbay wadanka Itoobiya isagoo la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed
Maalinka khamiista ee berri ayay Mr. Kenyatta iyo Mr. Macron ka qeybgalayaan shirka qaramada midoobay ee ku saabsan arrimaha deegaanka kaasi oo ka socdo Nairobi .
Dhanka kale gaadiidleyda magaaladatani Nairobi ayaa lagu wargeliyay in laga billaabo 3-da galabnimo ee maanta aynan adeegsan wadada Haile Selassie Avenue iyo agagaarka xarunta Railways .
Afhayeenka booliska Mr. Charles Owino ayaa sheegay in wadadaasi ay xirnaan doonto ilaa iyo 5-ta galabnimo ee maanta.
Madaxweynaha Faransiiska Mr. Macron ayaa kaddib marka uu Kenya ka tago laga marti qaaday Rwanda si uu uga qeybgalo xuska sannadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay xasuuqii 1994-tii hasa ahaate weli ma caddo inuu ka qeyb geli doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *