Saddex qof oo ku dhintay Garissa kaddib markii ay musqul ku dhaceen

Saddex qof ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku dhinteen ismaamulka Garissa kaddib markii ay ku dhaceen musqul.
Waxay dadkan kala ahayeen nin oday ah, wiil uu awoow u yahay iyo wiil yar oo ay dhaleen reerka deggan guriga ay masiibadan ka dhacday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in odayga lagu wargeliyay bullaacad dillaacday oo uu isku dayay inuu eego ka hor inta isaga iyo labada canug aynan musqusha ku dhicin.
Meydadkooda ayaa aroornimadii hore ee saaka la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Garissa.
Cumar Cabdi Maxamad oo ah agaasimaha isbataalka guud ee Garissa ayaa idaacda STAR FM faa faahin ka siiyay dhacdadan xanuunka badan.
Mid ka mid ah shacabka Garissa ayaa dareenkiisa sidatan u muujiyay isagoo ku baaqay in laamaha kala duwan ay iskaashadaan si mustaqbalka xaaladdan oo kale looga hor tago ama xilli hore wax looga qabto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *