Ugu yaraan 27 wadan oo hakiyay duulimaadyada nooca diyaaradaha Boeing 737 Max

Kaddib shilkii axaddii ka dhacay wadanka Itoobiya , ilaa iyo 27 wadan oo ay hadda ku biirtay dowladda Kazakhstan ayaa hawadooda ka mamnuucay ama hakad geliyay duulimaadyada diyaaradaha nooca ah Boeing 737 Max.
Diyaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines oo noocan ah ayaa axaddii soo dhacday waxaana ku dhintay dhammaan 157 qof oo la socday.
Waxaa ka sii horeysay mid kale oo qiyaastii 6 bilood ka hor ku dhacday meel u dhow biyaha Indonesia.
Wadamada kale ee qaaday tallaabadan mid la mid ah ayaa kala ah Australia , midowga Yurub, United Kingdom, Shiinaha, India,Singapore, Faransiiska, Jarmalka,Ireland, kuuriyada koonfureed,Mongolia,Indonesia,Malaysia, Cuman, isutaga imaraadka carabta, Norway.
Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines ayaa shalay sheegtay inay dejisay diyaaradda Boeing 737 Max inta go’aan kale uu ka soo baxayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *