Wasaaradda gaadiidka oo mid siman ka dhigeysa nooliga laga qaado rakaabka adeegsada mataatuuda

Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin muhiim ah oo dib u eegis loogu sameynayo qarashaadka ay bixiyaan rakaabka ku safro baabuurta u kala goosha xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka ee loo yaqaano Mataatuuda.
Wasaaradda ayaa isbedelo ku sameysay sharciga isticmaalka waddooyinka iyo midka maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA.
Isbeddeladan ayaa ah kuwo lagu xakameynayo lacagaha laga qaado dadweynaha si guud ahaan dalka qarashaadkaasi loo simo.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka Mr. James Macharia ayaa qorshahan u bandhigay guddiga baarlamaanka dalka ee qaabilsan howlaha gaadiidka iyo guriyeynta.
Mr. Macharia ayaa hoosta ka xariiqay in wadayaasha mataatuuleyda qaar ka mid ah ay shacabka saaraan culeys dheeraad ah oo aynan dhammaan shirkadaha ka mideysanayn.
Soo jeedintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo qaar ka mid ah dadweynaha ay walaac ka muujiyaan qarashaadka lagu raaco mataatuuda ee la kordhiyo marka ay roobabka da’aan, shuruuc cusub la dhaqangeliyo ama cariiri dhanka isku socodka ah uu jiro.
Mataatuuleyda qaar ayaa rabaabka u sheego in baabuurka qiimo hoose lagu raaco in kastoo qiimo kale laga qaado inta safarka ay ku guda jiraan.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka koonfurta Pokot ahna guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka Mr. David Pkosing ayaa qorshaha wasaaradda ku tilmaamay mid horay loogu baahnaa maadaama culeyska saaran rakaabka mataatuuda uu yahay mid ka jiro qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *