40 qof oo ku dhimatay weeraro lagu qaaday masaajido ku yaalla New Zealand

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weeraro saaka lala eegtay masaajido ku yaalla wadanka New Zealand.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Jacinda Ardern ayaa sheegtay in 40 qof ay weeraradaasi ku dhinteen halka in ka badan 20 kalena ay dhaawacmeen.
Mrs. Ardern ayaa hoosta ka xariiqday in sarakiisha ammaanka ee New Zealand heegan sare la geliyay.
Waxay intaasi ku dartay in maanta ay tahay maalin adag oo soo martay taariikhda New Zealand falkaasina aanan horay loo arag sidaasi awgeedna uunan ahayn mid la qaadan karo.
Weerarka ugu horeeyay ayaa ka dhacay magaalada Christchurch kaddib markii ugu yaraan hal qof oo hubeysan uu rasaas ku furay dad cibaadeysanayay.
Booliska ayaa xiray afar eedeysane oo isugu jiro saddex rag ah iyo haweeney in kastoo ra’iisul wasaaraha ay sheegtay in dadkan loo haysto inay aaminsanyihiin fikrado xagjirnimo oo aynan ku jirin liiska shakhsiyaadka boolisku ay raadinayeen.
Sido kale ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay in weerar labaad uu ka dhacay masjidka Linwood ee ku yaalla jasiiradda koonfureed sida laga soo xigtay taliyaha booliska ee New Zealand Mike Bush.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *