Dhammaan dibloomaasiyiinta  Maraykanka oo  ka soo baxay  Venezuela

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo   ayaa sheegay in dhammaan dibloomaasiyiintii dalkaasi u dhashay ee  ku  sugnaa safaaradda  xukuumadda  Washington ay ku leedahay caasimadda   Venezuela ee  Caracas   ay   isaga soo baxeen.

Waxaa uu  hoosta ka xariiqay  in Maraykanka   ay weli ka go’antahay taageerada uu u hayo madaxa mucaaradka ee  Venezuela Juan Guaido.

Mr. Guaido  ayaa isku aqoonsaday inuu yahay madaxweyne ku meel gaar ah isagoo  ay ku taageereen wadamo dhowr ah.

Madaxa  mucaaradka    ee Venezuela   ayaa doonaya in hoggaamiyaha  talada haya  Mr. Nicolas Maduro  uu xilka  ka dego si doorasho ay u dhacdo.

Mike Pompeo  ayaa intaasi raaciyay  in Maraykanka uu sii wadayo  in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo shacabka Venezuela iyo  garab siinta dimuqaradiyadda.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *